MAAREYNTA WAQTIGA.

Mar walba maka dib dhacdaa shaqo ama iskuulka / Jaamacadaada, adigoon dhameyn waxa ku qorsheysnaa maalinkaa in aad sameyso.  Hadaba kuma fiicnid maareyn waqtiga tasoo aan u fiicneyn caafimaadkaaga iyo maskaxdaada intaba.  Dadka aanan maareyn Karin watigooda sidoo kale ma maareyn karaan nolashooda, Lakiin aqbaarta fiican ayaa ah in aad wax ka bedeli karto, Hadaba fiiro gaar u lahaaw sida aad waqtigaaga ku isticmaasho maalin walba adigoo isticmaalaya habkaan oo ah 1. Diiwangelin, 2. Falanqeyn iyo 3. Isbedel kuwaas oo kaa caawindoona si ugu fiican ee aad u maareyn karto waqtigaaaga qaaliga ahi.

1.     Diiwaangelin – Subaxii marka aad soo kacdo ayaa waxaad diiwaangelisaa dhamaan waxa shaqo / camal aad qabaneyso maalinka, wax walbo ay ahaataba xitaa hadii aad sameyneyso kubad ciyaarid, social media, shadada iwm ilaa saacada aad ka seexaneyso.
2.     Falanqeyn – Adigoo tixraacaya waxa aad #1. Diwaangelisay waxaad falanqeysaa sida aad ku isticmaashay waxtigaaga imisaa saacad ayaa ku qabatay shaqo wax soo saar leh oo la taaban karo, imisaa saac ayaad ku isticmaashay baraha bulshada  (Social Media) iwm isla markaa adigoo ogaanaya 5 shey ee aad ku lumisay waxtigaaga ugu badan adigoo naftaada daacad u ahi ee runta ka sheegaya waxa waqtigaaga qaaliga luminaaya, Adigoo fiiro gaar ahi siinaya waxa ama sheeyaha aad waxtigaaga badan ku lumiso qaasatan marka aad joogto goobtaada shaqo. Waxaad isku dartaa inta waqtigaaga ahi ee aad ku isticmaashay waxyaabo aan munaasab aheyn ama aan wax soo saar la heyn.
3.     Isbedel – Si aad u hanato maareynta waxtigaaga waxaa lama huraan ahi in aad isbedel ku sameyso naftaada adigoo isticmaalaya hababka kala ah; 1. Mudnaansiinta – samey liis aad ku qoreyso waxyaaba aad dooneyso in aad qabsato maalinka adigoo mudnaanta koowaad siinaaya midka kugu daran ee aad dooneyso in aad qabsato / dhameyso. Jadwal u samey sida aad u dooneyso in aad u qabtasato hawshadaada / shaqadaada hadba sida aad mudnaanta u kala siisay adiga.

Isku day in aad isticmaasho hab-ka aan kor kusoo xusnay mudo hal isbuul ahi, adigoo dib u fiirinaaya isbedelka aad naftaada ku sameysay iyo hadii aad waqtigaaga si fiican u maareysay.

F.G. Waxaan filayaa in dad badan ka faaideysan doonaan.

Mahadsanidiin.

Comments

Popular posts from this blog

MSF WITHDRAWAL FROM #LAS-ANOOD & IMMEDIATE SOLUTION THROUGH LOCALIZATION LENCSES

BLACK DAY - 14 Oct,2017