DHIBATOYINKA CARUURTA SOOMAALIYEED.



Waxaan shaki ku jirin in dagaalada sokeeye ee dalkeena Soomaaliya ay in badan kalifeen burbu badan kasoo si qaas uu u saameeyay habsami socodka bulshada iyo heer qaran. Qasaaraha ugu weyn aan ka dhaxalnay burburkaan waxaa ka mid ah, Dil, dhac, boob, is naceeb bulshada Somaliyeed dhexdeeda taasoo ay sal u tahay "Qabiileysi". iyo is qaraabeysi "Nepotism"

Hadaba saameyn ugu weyn waxaa ka mid ah "CHILD LABOUR" tasoo ay sal u tahay Dawlad la'aanta iyo burburka ayadoo saameyn toos ku yeelatay Qoysaska Soomaaliyeed oo inta badan kaliftay in caruur aad u yar yar oo jooga da'dii ay wax baran lahaayeen sida Quraanka kariim iyo waxbarashada kale oo cilmaaniga ah ayaad waxaad arkeysaa in loo adeegso aalad ka mid ah kaabayaasha qadhaale "Livelihood mechanism" oo ay ka mid tahay in caruurta yar yar loo diro shaqooyin aad u adag oo inta badan kasoo gaarto dhibaatoyin ay ka mid tahay in la tumo ama la jir dilo: shaqooyinkaa waxaa ka mid ah sida kabo Caseylayaasha, tuugsiga iyo dhaqida gawaarida yaryar ee raaxada taasi waxey qaas u tahay wiilasha halka gabdhaha yaryar oo aan qaan-gaarin loo diro shaqooyin culculus sida in ay ka shaqeeyaan guryahada "House maid"

Astaamaha iyo dhibta aan kor kusoo xusay waxa inta badan kalifay waa shaqo la'aanta baahan ee heysata waalidiinta Soomaaliyeed iyo dagaalada oo curyaamiyay qoysas badan oo in badan-na caruurta Soomaaliyeed ka dhigay agoon "Orphans" iyo u jilcanaanta in xaquuqdooda lagu tunto oo si qaldan loo isticmaalo.  Arrimahaan oo dhan waa kuwa xakameyntooda u baahan jawi degan oo ay nabad-na saldhig u tahay iyo dawlad awood u leh in ay abuurto fursado shaqo iyo waxbarasho lacag la'aan ah sida caruurta soomaaliyeed ee masaakinta ugu faa'ideystaan ee waxna u bartaan si mustaqbalka loo helo jiil cusub oo aqoonyahano ah tasoo awood inoo wada siineyso in aan ka fekerno Hormarka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, waxaa iga dardaaran ah in aan bilowna qaabkii aan wax u bedeli laheyn, Isbedelkuna waxaa uu ka bilowdaa qof walba nafsatiisa "Change starts with YOU".

Comments

Popular posts from this blog

MSF WITHDRAWAL FROM #LAS-ANOOD & IMMEDIATE SOLUTION THROUGH LOCALIZATION LENCSES

BLACK DAY - 14 Oct,2017