NAAGAHA LAMA XUKUMI KARO EE AYAGAA WAX XUKUMA

Hada ka hor waxaa jiray nin aad ugu wanaagsana xaaskiisa oo aad u texgelinjiray, markaasa dadka ka ag dhawaa ayaa waxey ku yiraahden hebel naagtiis ayuu caabudaa yacni waa uu u jijilcan yahay,

Sanado badan ka hor ayaa sidoo kale waxa jiray nin boqor ah oo aad loo xushmeyn jiray markaasaa ayuu maalim maalmaha ka mid wuxuu iskugu yeeray dhamaan wixii shaqaalihiisa ahaa oo wuxuu weydiyay labo su’aalood oo kala ah (1) Wixii rag oo dumarkood ka aday oo xukuma meel ha istaagaan (2) Wixii rag ay dumarkood amraan / u taliyaan meel ha istaagaan. Marka oo boqorka hadalka dhameystay ayaa dhamaan ragii su’aasha labaad meel iskugu tageen oo dumarkood ay u talshaan halka hal qof keliya oo gooni u istaagay oo dhahay boqoroow aniga naagtey/xaaskeyga aniga ayaa u talsha.

Boqorkii waa uu usacbiyay ninkii keligi istaagay oo wuxuu ku dhahay waxaa tahay nin ad-adag ee waxaan abaal marin kuu siinayaa faraska ugu qurxoon fardaheyga oo mida aad rabto kala bax oo dooqaaga ah, Ninkii waxaa loo waday meeshii fardaha lagu xanaaneynaayay oo 3 fardood kala duwan ay joogeen mid cad, mid madow ah iyo mid kafeey ah; Ninkii wuxuu doortay mida madoow asagoo aad u faraxsan oo dhoola cadeynaayo halka dhamaan nimankii kale oo dhan uu boqorkii ugu awaal guday hal mir / xabo oo ukun ah (Egg).

Ninkii abaalmarinta faras qaatay ayaa asagoo aad u faraxsan wuxuu aaday hooygiisa / gurigiisa markaas ayaa xaaskiisa waxey weydiisay sababta uu manta aad ugu faraxsanyahay; kadibna wuxuu marwadiisa u sheegay waxa ku dhacay iyo in uu boqorkiisa siyay faras kadib markii uu asaga noqday ninka keliya ee ka adag xaaskiisa uu keligi u taliyo halka dhamaan nimanka kale ay noqdeen kuwa loo talsho. Wada sheekeysi dheer ka dib, Naagtii ayaa waxey ninkeeda ku dhahday “Waa runtaa xaafada adiga ayaa ka taliya oo amarkaaga keliya ayaaba ka socda” lakiin waxaan kugula talin lahaa oo aad ku qurxoontahay marka aad wadato faraska Cadaanka ahi. Ninkii wuxuu ku jawaabay “Waxa dhib leh ma ahan oo berito ayaan kulaabanayaa boqorka kadibna faraska cad ayaan soo qaadanayaa”.

Maalinkii dambe, ninkii arinkii ayuu ku dhaqaayay oo wuxuu dib ugu laabtay boqorkiisa wuxuu ku dhahay “Boqorow aniga naagteyga waxaa ay igula talisay faraska cadaanka ahi in aan ku qurxoonahay”. Boqorkii intuu si fiican u qoslay ayuu ninkii siyay hal xabo oo ukun ah sida asxaabtiisa oo kale wuxuuna ku yiri “Dhamanteenba / raga waxaa ina xukuma xaasaskeyna xitaa anigoo boqorka meeshan ah”.


Nuxurka sheekada “Naagaha lama xukimi karo ee ayagaa wax xukuma”. 

Comments

Popular posts from this blog

MSF WITHDRAWAL FROM #LAS-ANOOD & IMMEDIATE SOLUTION THROUGH LOCALIZATION LENCSES

BLACK DAY - 14 Oct,2017