Posts

Showing posts from June, 2014

DHIBATOYINKA CARUURTA SOOMAALIYEED.

Image
Waxaan shaki ku jirin in dagaalada sokeeye ee dalkeena Soomaaliya ay in badan kalifeen burbu badan kasoo si qaas uu u saameeyay habsami socodka bulshada iyo heer qaran. Qasaaraha ugu weyn aan ka dhaxalnay burburkaan waxaa ka mid ah, Dil, dhac, boob, is naceeb bulshada Somaliyeed dhexdeeda taasoo ay sal u tahay "Qabiileysi". iyo is qaraabeysi "Nepotism" Hadaba saameyn ugu weyn waxaa ka mid ah "CHILD LABOUR" tasoo ay sal u tahay Dawlad la'aanta iyo burburka ayadoo saameyn toos ku yeelatay Qoysaska Soomaaliyeed oo inta badan kaliftay in caruur aad u yar yar oo jooga da'dii ay wax baran lahaayeen sida Quraanka kariim iyo waxbarashada kale oo cilmaaniga ah ayaad waxaad arkeysaa in loo adeegso aalad ka mid ah kaabayaasha qadhaale "Livelihood mechanism" oo ay ka mid tahay in caruurta yar yar loo diro shaqooyin aad u adag oo inta badan kasoo gaarto dhibaatoyin ay ka mid tahay in la tumo ama la jir dilo: shaqooyinkaa waxaa ka mid ah sida kab